Isku diyaari inaad dalka Iswiidan ka shaqaysato

Ka hor intii dalka Iswiidan aadan iman ma soo shaqaysay, mana doonaysaa sidii aad khibradahaaga dalkaan ugu faa’iidaysan lahayd?

Xaaladaas sameey is-qiimaynta karti-xirfadeedka ku saabsan heerka aqoonta xirfadaada iyo hawlahii aad soo qabay. Waxaad isla markaas heli doontaa muqaalka sida xirfadaada dalka Iswiidan loogu shaqaysto.

Waxaad karti-xirfadeedka ku qiimayn kartaa adigoo qoraal-waydiimaha buuxiyaa, kaasoo xiriir la leh xirfad suuqa shaqada dalka Iswiidan. Haddii aad soo bandhigto khibradahaaga, waxaad wadajir Xarunta Shaqada ka heli karta warbixn xiriir la leh, inta wakhti ay ka qaadan doonto isku diyaarinta ku salaysan xirfadaada. Teeda kale, hab qeexan ayaa u heli doonta warbixin xiriir la leh haddii aad u baahan tahay dhamaystirida aqoontaada iyo khibradahaaga. Waxaa dhici karto inaad hogaamin, waxbarasho, tababar ama dib u qiimayn u baahan tahay.

Dhammaan aqoontaada iyo khibradahaaga oo aad kala timi dal aan ahayn dalka Iswiidan waa lagu tixgelinayaa. Markii dib u qiimaynta lagu dhaqaaqaayo waxaa lays barbar dhigi doonaa khibradahaaga xirfadeed hore iyo kuwa la mid ah ee dalka Iswiidan laga helo.

Waa adiga qofka qoraal-waydiimaha buuxinaayo oo qiimaynayo aqoontaada iyo khibradahaaga.

Haddii aad xiisaynayso oo aad warbixin dheeraad ah u baahan tahay nalaga soo xiriir 0771-416 416. Ama booqo Xarunta Shaqada kugu dhow. Waxaad kaloo nalaga soo xiriiri kartaa:

Haddii aad caawimaad u baahan tahay waxaad khadka taleefanka kula xiriiri kartaa Xarunta Shaqada 0771-416 416.

Tillägsinformation

Is-qiimaynta karti-xirfadeedka lamaha xirfadaha

Isku duwe
(Administratör)

Dhismaha iyo halka shaqaalaha ay ka hawlgalaan
(Bygg och anläggning)

CNC [Hab-dhiska kombyuutarada ee lagu kormeero mashiinada workshop-ka] iyo workshop
(CNC och verkstad)

Iibinta iyo dukaan-iibiye
(Försäljning och butikssäljare)

Timo-yaqaane
(Frisör)

Hotel
(Hotell)

Farsamada nadaafadda
(Lokalvårdare)

Wadeha mashiinada iyo wiishashka
(Maskin- och kranförare)

Laanta ganacsiga motoorada
(Motorbranschen)

Makhaayad
(Restaurang)

Alxanle
(Svetsare)

Gaadiid-wade: Baas iyo gaari xumul
(Yrkesförare: Buss och lastbil)