Nala soo xiriir anaga oo joogna Xafiiska Shaqada

Adeega macmiilka oo iswiidhish iyo ingiriisi ah

Dhinaca telafoonka iyo e-mailka ayaad caawimaad ka heli kartaa xiriiriyayaal shaqo oo aqoon leh. 

Wakhtiyada furitaanka waa maalmaha caadiga ah saacada 8-20, sabtiyada iyo axadaha saacada 9-16. 

Telafoon lambarka 0771-416 416

e-mail

Hel xiriiriyahaaga shaqada ee kuugu dhow

Hel xafiiskaaga kuugu dhow (boggan waa af-iswiidhish)

Loogu talogalay adigaaga ku jira barnaamijka sal-dhigida

Haddii aad ka qayb-qaadato barnaamijka sal-dhigida waxaanu kugu casuumaynaa taagero dhinaca shan luqadood oo dheeraad ah.  

Wakhtiyada furitaanka waa maalmaha caadiga ah saacada 10-16.

Af-carabi +46 771-860 101

Af-faarsi +46 771-860 102

Af-Soomaali +46 771-860 103

Af-tigrinya +46 771-860 104

Af-ruushka +46 771-860 105

Adeega macmiilka waxay kaa caawin karaan:

  • taageero ku saabsan sida aad samaynayso marka aad iska diiwaan-gelinayso Xafiiska Shaqada
  • talo ku saabsan sida aad u helayso shaqo banaan 
  • talo-bixin ku saabsan sida aad ugu sii fiicnaan lahayd inaad raadsato shaqo  
  • taageero marka aad shaqo ka raadsanaysid Kaydka shaqooyinka (Platsbanken) iyo sida aad u qorayso codsi
  • kala sheekayso xiriiriye shaqo wixi ku saabsan xaaladaada iyo nooca taageero ee aad anaga naga heli karto 
  • jawaabaha su'aalaha guud ee ku saabsan barnaamijyadayada iyo hawlaha, waxbarashooyinka iyo xirfadaha iyo caymiska shaqo la'aanta.